Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida Mareykanka oo walaac ka muujiyay ammaankooda

Soomaalida ku nool dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay ka cabsi qabaan saameynta ay ku yeelan karto cajalad uu dhawaan soo saaray ururka Al-Shabaab, taasoo ku wajahneyd dhalinyarada dalkaasi ku nool.

Dadka u ololeeya arrimaha Soomaalida ayaa ayaa kulamo la yeeshay dadka kale ee waddanka la deggan si ay ugu sharraxaan in aanay taageero u haynin Al-Shabaab.

Cabdirisaaq Biixi iyo Farxiya Khaliif, waa laba xubnood oo ka tirsan gudiga xiriiriya bulshada Soomaalida ah iyo hay’adaha ammaanka ee gobolka Minnesota.

Weriyaha BBC Maxamed Xaaji Xuseen ayaa waraystay, wuxuuna marka hore hadalka siiyay Cabdirisaaq oo uu weydiiyay ay kala hadleen dadkaasi.