Gargaarka Madaya oo dimishiq ka baxay

Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dagaalka Suuriya bubur baaxadleh ayaa ka dhashay

Kolonyo baabuur ah oo sidda gargaar ayaa lagu wadaa in ay u gaaraan magaalada Madaya ee dalka Suuriya oo ay ciidammada dawladdu go’doomiyeen, halkaas oo la sheegay in ay dadku macaluul ugu dhimanayaan.

Melissa Fleming oo ah afhayeenka Qaramada Midoobay ayaa BBC u sheegtay in ay si wanaagsan ugu kalsoontahay in hawshaasi ay qabsoomi doonto.

Fleming waxay sheegtay in loo xaqiijiyay in kolanyad arrimaha baniiaadminimo wada ay gali doonaan isniinta.

Kolonyo gaari lahayd axadii magaalada ay mucaaradku haystaan ayaa dib u dhacay kaddib markii ay caqabado yimaadeen daqiiqadihii u dambeeyay.

Ilaa 40,000 oo ruux ayaa ku sugan magaalada Madaya oo u dhaw xadka Lubnaan, dadka deegaankuna waxay sheegeen in ay cunaan cawska si ay u noolaadaan.