Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaa sababay dib u dhaca shirka Kismaayo

Kulanka madasha wadatashiga Soomaaliya oo maanta la filayay inuu ka bilowdo magaalada Kismaayo ayaan weli la hubin inuu dhacyo. Waxaana magaalada weli ka maqan oo aan tagain madaxweynaha dowlada Federaalka Iyo madax kale.

Waxaa ilaa shalay kismaayo gaarayay qaar ka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Iyo xubno beesha caalamka ka tirsan

Kulankani wuxuu daba joogaa fadhigii madasha wadatashiga qaranka ee Muqdisho lagu qabtay 13 - 16 December ee sanadkii tegay.

Waxaa jira warar sheegaya kala aragti duwanaansho u dhaxaysa madaxda soomalida.

Wariyaha BBC-da Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa arrimaha shirka ka waraysatay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Jubbaland, Madaxamed warsame Darwiish