Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xildhibaanno ku baaqay in ciidammada Kenya laga soo saaro Soomaaliya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gudaha Soomaaliya ka waddo howlgal baadigoob iyo samatabixin ah, halkaasi oo xarakada Al-Shabaab ay sheegtay in ay ku haysato ciidammo Kenyaan ah.

Dowladdu waxa ay sheegtay in ay socdaan howlgallo cirka iyo dhulka ah, hasayeeshee waxa ay ka digeen in ciidammada la haysto ay suuragal tahay in loo isticmaalo gabbaad.

Ciidammada Kenya ayaa Soomaaliya galay 2011-kii markaa oo ay sheegeen in ay ilaalinayaan ammaanka dalka, haddaba qaar ka mid ah xildhibaanada Kenya ayaa rumeysan in haatan la joogo xilligii ciidammada Kenya laga soo saari lahaa Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdulqaadir Oore Axmed, waxa uu ka tirsan yahay isbahaysiga mucaaradka ee Kenya, waxa uu arrintan uga warramay weriyaha BBCda Cabdifitaax Ibraahim Maxamed Cagayare.