Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Aabo aan geeri iyo nolol ku ogayn wiilkiisa

Waxaa isa soo taraya Khasaaraha Ciidammada Kenya ka soo gaaray weerarkii ay Alshabaab kala kulmeen ee ka dhacay Ceelcadde oo ka tirsan gobolka Gedo.

Maalmihii udambeeyay waxaa Nairobi la gaynayay dhaawaca iyo maydadka ciidammada Kenya balse ma jirto tiro rasmi ah oo wali shaaciyay.

Ciidammadaasi Kenya ee ka tirsan AMISOM waxay joogaan qaybo ka mid ah Soomaaliya, waxaana ka mid ah Soomaali Kenyan ah.

Waxaa hadda soo baxaya warar sheegaya in dawladda Kenya aysan la xiriirin qaar ka mid ah ehelada ciidammadaasi.

Mid ka mid ah dadkaas oo ah aabbe wiilkiisu ka tirsanaa milateriga Kenya ayaa BBC u sheegay in tan iyo markii weerarku dhacay uusan nolol iyo geeri wax war ah ka haynin wiilkiisa.

Halkan ka dhagayso waraysiga aabahaasi.