Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dad musqul isku xiray markuu weerarkii Liido bilowday

Qarax xoogan ayaa xalay laga maqlay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay iridka mid ka mid ah maqaayada Beach View Cafe, oo loo qado iyo casariyo tago ee xeebta Liido.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubaysan oo ilaa 5 gaaraya dhinaca xeebta ka soo galeen kadibna bilaabeen in ay rasaas ku furaan dadwaynaha ku sugnaa xeebta iyo kuwa maqaayadaha fadhiyay.

Ilaa hadda lama oga cidda wax ku noqotay. laakiin waxaa jiro warar sheegaya in ku dhowaad shan qof ay weerarkaasi ku dhinteen.

Haddaba weerarka marka uu dhacayay waxaa halkaasi ku sugnaa Maxamed Shuuriye Nuur oo ah weriye ka tirsan idaacadda Barkulan oo ka faalooda isboortiga, waxa uuna ka mid ahaa dhowr qof oo muddo saacado ah ku xirnaa musqul ay miciin bideen kaddib markii weerarka halkaasi lagu qaaday. Qadka taleefoonka magaalada Muqdisho ayaan ku wareystay waxaana ugu horreyntii weydiiyay sida ayw ax u dheceen.