Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dumar Soomaali ah oo Kenya gawaarida ku dhaqa

Dhageyste, marka la eego dhaqanka Soomaalida, shaqooyinka qaar ayaa ceeb iyo lama arkaan ku ah dumarka Soomaalida. Laakiin dumar badan oo Soomaali ah ayaa haatan billaabay in ay ragga ku garbiyaan shaqooyinka qaar ee ragga oo kaliya ay qaban jireen.

Dumarka Soomaalida horey laguma arki jirin goobaha baabuurta lagu dhaqo basle dalkani Kenya gabdho Soomaali ah ayaa waxa ay haatan nolal maalmeedkooda ka raasbadaan dhaqista baabuurta. Sida uu waramayo weriyaha BBC-da ee laanta afka Sawaaxiliga Cabdinuur Macallin, saboolnimada iyo fursadaha shaqo oo aad u yar ayaa ku khasbay gabdhahani in ay baal-maraan dhaqanka oo ay ragga kula tartamaan shaqadani baabuur dhaqista.