Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

"waxaan badbaadiyay wiil 10 sano jir ah"

Dadkii ka badbaday weerarkii habeen hore ka dhacay xeebta liito ee magaalada Muqdisho waxa ka mid ahaa Maxamed Cabdullaahi Dhaaley oo ah nin dhalinyara ah.

Dhaaley waxa uu sidoo kale badbaadiyey wiil yar oo da'diisu uu ku qiyaasay 10 jir oo uu weerarka dhaawac ka soo gaaray.

Maxamed Dhaaley waxa uu boggiisa facebook ku soo bandhigay sheeko dhaxmartay isaga iyo willka yar intii uu isbitaalka u sii waday.

Weriyaha BBC Maxamud Cali ayaa arrintaasi ka waraystay.