Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland: Lama celinayo dadka koonfurta

Somaliland ayaa beenisay in Soomaali ka soo jeeda gobollada koofurta Soomaaliya oo deggan gobolka Sanaag lagu amray in ay kaga baxaan halkaasi muddo toddobaad ah.

Arrintani waxay ka dambeysay markii qaar ka mid ah warbaahinta Soomaalidu ay sheegeen in dad reer koofureed ah ay ka codsadeen madaxda Somaliland in aan laga saarin gobolka oo ay ka shaqeystaan.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa amar ku bixiyey shisheeyaha sharci darrada ku jooga uu ka baxo, laakiinse masuuliyiintu waxay sheegeen in dadkaas aanay Soomaalidu ku jirin.

si aan u ogaano xaqiiqda warka gobolka Sanaag ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale waxa uu ka wareystay guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Somaliland Axmed Cabdi Jaamac.