Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ururka IS oo deegaanno ka qabsaday Afghanistan

Bilihii lasoo dhaafay, ururka isku magacaabay dowladda Islaamka ayaa gacanta ku dhigay dhul ka tirsan bariga Afghanistan, gaar ahaan soohdinta uu dalkaasi la wadaago Pakistan.

Ururka ayaa sheegay in dhulkaasi uu hoos tago khilaafada uu kaga dhawaaqay Suuriya iyo Ciraaq.

Boqolaalka dagaalyahan ee ururkaasi kaga sugan Afghanistan ayaa intooda badan horay uga tirsanaan jiray ururka Taliban.

Weriyaha BBC Justin Rowlatt ayaa warbixintan kasoo diray magaalada Kabul. Cabdiraxmaan Bidhaan ayaa soo jeedinaya.