Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jarmalka oo shuruuc kasoo saaray magangelyo doonka

Xukuumadda wadaagga ah ee Jarmalka ayaa faahfaahin ka bixisay qorshe lagu adkaynayo shuruucda magangelyo doonka oo qeyb ka ah dadaalkeeda ugu dambeeya ee ay ku xakamaynayso qulqulka muhaajiriinta.

Ku xigeenka Chancellorka Jarmalka, ahna wasiirka dhaqaalaha Sigmar Gabriel ayaa sheegay in xulufada xukuumadda ku jirta ay isla garteen in lagu daro Algeria, Morocco, iyo Tunisia liiska dalalka nabdoon ee muhaajiriintu ka yimaadaan, wuxuuna intaa ku daray inay u badan tahay in dadka dalalkaas ka soo jeeda aan magangelyo la siin.

Haddaba Khadar Caddaawe oo deggan Jarmalka ayaa Farax Lamane ugu warramay sababaha ku xambaaray xukuumadda Jarmalka inay go'aankan qaadato.Ger