Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhallinyarada oo cayilka iska ilaalinaya

Baryahan dambe waxaad moodaa in Soomaalida ay la dirirayaan cayilka, siiba dhalinyarada iyo dadka miisaankoodu culusyahay.

Balse muddo aan fogeen ka hor cayilka waa lagu faani jiray, inkastoo dhaqaatiirta ay ka digeen qatarta caafimaad ee ka imaan karta.

Waloow dadka qaarkiina ilaa iyo hadda cayilku la yahay qurux.

Magaaladatan Nairobi, qaasatan xaafada Islii oo ay Soomaalidu ku badan tahay waxaa baryahan aad ugu soo batay dadka tagay goobaha lagu jimicsado ama jirka lagu dhisto oo dadka u yaqaanaan Jiimka.

Weriyaha BBC Axmed Xaji Xasan ayaa tagay Mid ka mid ah meelaha jimicsiga lagu sameeyo warbixintan ayuuna inooga diyaariyay.