Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muxuu AU uga laabtay go'aanka Burundi

Hoggaamiyeyaasha midowga Afrika ayaa ka laabtay qorshe ay ku doonayeen in ay ciidamo nabad ilaalin ah ugu diraan dalka Burundi si ciidamadaasi ay u dejiyaan sagaal bilood oo rabshado ah oo dalkaasi ay ka soconayeen. Rabshadahaasi ayaa waxaa ku naf waayay boqolaal qof.

Hoggaamiyaasha Afrika ayaa kulankoodi ka socday xarunta midowga Afrika ee Addis Ababa waxa ay ku go'aansadeen in Burundi ay u diraan ergo. Bishii la soo dhaafay ayay ahady markii midowga Afrika uu soo bandhigay qorshe shan kun oo askari loogu dirayo dalkaasi Burundi, arrintasi oo dowladda Burundi ay ku gacan seyrtay.

Haddaba go'aankaasi Midowga Afrika maxay uga dhigan tahay Burundi? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayuu Xasan Cali Geele u bandhigay Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha caalamka.