QM: Ma ahan in ay burburaan wadahadallada Suuriya

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Staffan de Mistura, Ergayga Gaarka ah ee Qaramada MIdoobay ee Suuriya

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in la sameeyo dadaal walba oo looga horatagayo in ay burburaan wadahadaladii nabadda ee ugu dambeeyay ee dalka Suuriya.

Wareysi uu siiyay TV-ga (RTS), ee laga leeyahay dalka Swiss, ayaa Mr de Mistura waxa uu ku sheegay haddii ay markan guuldareystaan in dalkaas uusan laheyn rajo badan.

Waxa uu hadlayay kaddib markii ergada mucaaradka ay baajiyeen kulan ay la lahaayeen Qaramada Midoobay maalintii labaad, kulankaasi oo looga baaran dagayay qaabka wadahadalada loo qabanayo.

Mar sii horreysay, ayaa ergada dowladda Suuriya, waxa ay sheegeen in ay weli sugayaan ajendaha shirka iyo dhammaan liiska xubnaha mucaaradka uga qeybgalaya shirka.

Dhanka kale dalka Suuriya xooggaga dowladda ayaa ku sii siqaya magaalada ay gacanta ku hayaan fallaagada ee Xalab.