Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka dhaqaale u aruurinta Suuriyaanka

Shirweyne dhaqaale loogu ururinayo shacabka Suuriya ee ay dhibaatadu soo foodsaartay ayaa maanta ka furmi doona magaalada London.

Hogaamiyayaasha ka qeyb galaya shirka ayaa caalamka ugu baaqaya in waxbadan laga qabto xaaladda adag ee ay wajahayaan shacabka dalkaasi.

Suuriya ayaa hadda ah mushkiladda bani'aadannimo ee ugu weyn caalamka, waxaana loo baahan yahay balaayiin dollar si loo caawiyo dadka ay saameysay colaadda dalkaasi ka socota.

Aadan Sheekh Xasan waa Soomaali muddo dheer ku noolaa Suuriya, waxna kusoo bartay haddase ku nool dalka UK ayaa arrimaha shirka maanta London ka furmaya uga warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.