Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Amniga ee maamulka Koofur Galbeed

Sanad kaddib markii la dhisay maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya, weli waxa uu la harjadayaa sidii go'doominta looga saari lahaa magaalooyiinka ay maamulaan.

Degmooyiin badan oo ay ka mid yihiin Xudur iyo Waajid ayey adagtahay in dhulka laga galo, taaso oo ay ugu wacan tahay hareeraha magaalooyiinkaas oo ay maamulaan Xarakada Alshabaab.

Sida qaar ka mid ah maamulada federaalka ee Soomaaliya, maamulka Koofur Galbeed weli muusan ku baahin deegaanada maamulkaasi hoostaga.

Xasan Cabdi Maxamed waa wasiirka warfaafinta ee maamulka Koofur Galbeed, waxa uu iiga warramay xaaladda hadda ee amniga.