Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Jangali: Waxaan ogaannay in qaraxu bam ahaa

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Soomaaliya, Cali Axmed Jaamac Jangali, ayaa sheegay in baaris ay sameeyeen ay ku ogaadeen in qaraxii ka dhacay dayaaraddii Daallo uu ahaa bam argagixiso oo si ula kac ah loo sameeyay si dadkii dayaaradda saarnaa loogu baabi'iyo.

Wasiirka oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxa telefonka ku wareystay weriyaha BBC Farxaan Maxamed Jimcaale.