Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hubaal la’aan ka jirta magaalada Marka

Magaalada Marka oo maalmihii la soo dhaafay ay gacan ku haynteedu is dhaaf-dhaafaysay ayaa wararkii u dambeeyey waxay sheegayaan in bartamaha magaalada ay ku sugan yihiin dagaallamayaasha Al-Shabaab, sida ay ku warramayaan dad magaalada deggan oo BBC la hadashay.

Dhinaca maamulka degmada ayaase ku adkaysanaya in aysan Al-Shabaab halkaa joogin.

Xasan Cumar Macallin waa guddoomiyaha degmada Marka, xaaladda dagaalladii dhacay ayuuna goor dhoweyd uga warramay Farah Lamaane