Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin Indhaha la' oo baraha bulshada ku sheekeeya

Dalalka hormaray ee caalamka waxaa dadka indhaha la baraa sidii ay u gaari lahaayeen heer isku filnaansho ah oo ay ka mid tahay isticmaalka technology-yadda.

Kuwa Soomaalida ah ee tagay dalalkaasi qaar ka mid ah ayaa waxa ay barteen in ay fahmaan dadka fariimaha qoraalada ee telefoonka u soo dira.

Deeq Cabdi Axmed waxa uu ka mid yahay dadkaasi, wuxuu tagay Mareykanka, haddana wuxuu wadaa olole dhanka Facebook-ga ah oo jawaabaha ama aragtida ay dadka ka dhiibtaan.

Magaalada tan Nairobi ayaan kula kulmay, waxaana marka hore weydiiyay dalka Mareykanka waxa uu dadka indhaha la' u qabto.