Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qalab ciyaaro oo la siiyay ciyaartoyda Puntland

Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya waxa uu qalab dhameystiran ugu deeqay xafiiska maamulka kubadda cagta ee Puntland oo dhamaadkii isbuucan xafiis cusub u guuray.

Dib u habeynta xarunta waxaa qeyb ka ah tababaridda macallimiin cusub, garsoorayaal iyo hormarinta ciyaaraha kubadda cagta ee puntalnad.

Xubno ka socday xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa waxa ay tageen Puntland si qalabkaasi ay Garowe u geeyaan.

War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gudoomiyaha Cabdiqani Saciid Carab uu xilli hore ku dhawaaqay ay jirto istiraatiijiyad qeyb ka ah hormarinta ciyaaraha gobollada.

Hadaba Cabdukaadir Cali waa xoghayaha xiriirka kubadda cagta ee puntland, qadka telefoonka ee Garowe ayuu iigu warramay.