Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

WHO oo shir caafimaadka Somaliya ku saabsan qabaneysa

Waxaa magaalada Nairobi ka furmaaya shir ku saabsan xaaladda caafimaadka ee Soomaaliya oo ay soo abaabushay hay'adda caafimadka addunka ee WHO.

Waxaana shirkaani isugu yimid wassaarada caafimadka Soomaaliya, iyo kuwo Gobolada, iyo hay'adaha deeq bixiyayaasha, waxaana looga arrinsaanayaa qorshaha caafimaadka ee Soomaaliya, sidii loo hagaajin lahaa.

Waxaa kaloo laga tashanayaa qorshe cusub, maadaama kii horey ay wasaardda ugu shaqeyneysay uu dhammaad yahay.

Dr cabdiqani cumar xassan waa agaasimaha guud ee wassaarada caafimadka ee dowladda federaalka soomaliya waxaa uu cabdirisaaq xaaji catoosh uga waramay waxaa uu shirkani ku saabsanahay.