Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cudurka Jadeecada oo dad ku soo ritay Bakool

In ka badan 100 qof ayuu soo ritay cudurka jadeecada tuulooyin hoostaga degmooyinka Xudur iyo Waajid ee gobolka Bakool.

Tobannaan qof oo u badan carruur uu hayo cudurka jadeecada ayaa la dhigay isbatalka guud ee magaalada Xudur, xilli adeegyada caafimaad ee isbatalka ay aad u kooban yihiin.

Waxa ay arrintan imaanaysaa iyada oo hay'adda caafimaadka adduunka ee loo soo gaabsho WHO iyo wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya ay dib u eegis ku sameyneyaan waxa ka hirglay qorshe caafimaad oo la dejiyay shan sanno ka hor.

Haddaba waxa ay arrintaa ka qabteen ayaa waxaannu ka waraysannay Dr Cabdixakiim Macalim Aadan oo ah agaasimaha isbitaalka degmada xudur, Ibraahim Maxamed Aadan uu qadka taleefoonka ugu waramay.