Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Masar 5 sano kadib xil wareejintii Mubaarak

Waxaa maanta 5 sano laga joogaa markii uu xilka wareejiyay madaxweynihii Masar, Maxamed Xusni Mubarak, oo xilligaasi wajahayay dibed baxyo xooggan.

Dibed-baxyadaasi ayaa waxaa ka dhashay in ay awoodda qabsadaan xubno ka tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo markii dambe xukunka laga tuuray isla markaana laga mamnuucay dalka Masar.

Haddaba 5 sano kaddib maxaa iska bedalay siyaasadda iyo dhaqaalaha Masar.

Cabdullahi Adeec oo ah weriye ku nool Qaahira ayaa arrimahaasi uga warramay weriyaha BBC Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.