Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaaladda Xaquuqul Insaanka Uganda

Dalka Uganda waxaa ka socda ololaha doorashooyinka madaxtinimada oo ay u tartamayaan sideed musharrax oo ku jiro Madaxweynaha xilka hadda haya Yoweri Museveni - laakiin waxaa hey'adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay walaac ka muujinayaan shuruuc baarlamaanka la marsiiyay oo lagu koontaroolayo isu imaatinka shacabka iyo inay jiraan cadaadis iyo xadidaad lagu hayo xoriyadda isu imaatinka, hadalka iyo saxaafaddaba.

Haddaba weriyaha BBC Farhan Mohamed Jimale oo ka soo warramaya doorashada Uganda ayaa la kulmay, Xasan Shire Shiikh oo ah Agaasimaha Difaacayaasha xuquuqda aadanaha ee Geeska iyo Bariga Afrika.