Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Boorarka aan Soomaaliga ku qornayn oo rujin lagu bilaabay

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay ol'ole lagu fujinayo boorarka ku qoran afafka qalaad kadib markii ay dhamaatay mudo shan iyo toban maalmood ah oo loo qabtay in dhamaan boorarka ku qoran afafka qalaad lagu badalo afka Soomaaliga.

Maamulka gobolka ayaa sheegay in ay tan uga gol leeyihiin sidii loo soo noolayn lahaa afka hooyo oo waayadan danbe ay sii yaraanaysay isticmaalkiisa boorarka xarumaha ganacsiga iyo kuwa dawladda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane, wuxuuna marka hore weydiiyay sida hawlgalku u socdo