Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qaar ka mid ah Soomaalida wax ka barata jaamacadaha Uganda oo bilaabay wacyigalin

Markanna Uganda, halkaasi oo dadweynuhu ay maalinta khamiista ah u dareeri doonaan doorashooyinka guud ee dalkaasi.

Haddaba Soomaali badan oo gabdho iyo wiilalba leh ayaa waddankaasi u tagay in ay ka helaan tacliinta sare, waxa ayna wax ka bartaan jaamacadaha kala gadisan ee Uganda.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa waxa ay bilaabeen wacyigelin ay u sameeyaan bulshada Soomaalida ee halkaa ku nool.

Ardaydaasi waxaa ka mid ah Hanaa Axmed Cige oo cilmiga shaybaarka caafimaadka ka dhigata mid ka mid ah jaamacadaha Uganda iyo Ikraan Yuusuf Xirsi oo iyana barata caafimaadka bulshada, waxaa wareysigan soo socda la yeeshay weriyahayga Farxaan Maxamed Jimcaale oo maalmahanba doorashada Uganda inooga soo warramayay, Ikraan ayaa hadalka ku hormaraysa.