Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Waa sidee in qof uu la noolaado xanuunka dhimirka, dadna uu caawiyo?

Markanna waa taxanihii BBCda ee aynu sida gaarka ah diiradda ugu saaraynay xanuunka dhimirka.

Haddaba waa sidee in qofka uu la noolaado xanuunka dhimirka?

Maanta waxaannu eegaynaa nin Soomaali ah oo xanuunkaasi muddo la noolaa, waxa uu inooga warramay sida uu ku bilowday xannuunkaasi iyo markii dambe sida uu uga bogsooday oo uu dad kale u caawiyay.

Axmed Nuur Yuusuf Guuleed, haatan waxa uu ka howlgalaa isbitaalka Xabeeb ee magaalada Muqdisho, waxa uu u warramay weriyahayaga magaalada magaaladaasi Ibraahim Maxamed Aadan.