Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka dhaqaalaha iyo bangiyada Islaamka ee Bariga Afrika

Waxaa magaalada Nairobi weli ka soconaya shirka hannaanka bangiyada Islaamiga ee Bariga Afrika ee sanadkan 2016-ka.

Waxaa shirka ka qeybgalaya shirkadaha ugu waa weyn Bariga Afrika oo ay ku jiraan kuwo matalaya Soomaalida.

Ujeedka shirkan ayaa lagu sheegay sidii ay shirkaduhu isku dhaafsan lahaayeen macluumaad la xiriira bangiyeynta islaamiga ah.

Haddaba, Xasan Muuse Dude, oo ah agaasimaha shirkadda Somali Economic Forum oo ka mid ah dadka ka qeybgalaya shirkan ayaa waxa uu shirkan uga warramay weriyahayaga Fardowsa Maxamed Cilmi.