4 qof oo Iraq lagu saaray maxkamad

Lahaanshaha sawirka Reuters

Maxkamad ku taal Ciraaq ayaa dil ku xukuntay afartan nin oo loo heysto xasuuq dhacay bishii June lagu dilay boqolaal loo tababarayay Milatari oo lagu dilay meel u dhow Tikrit.

Dadka qaar ayaa qiyaasaya in kooxda lamag baxday khilaafada Islaamka ay dileen in kabadan 1700-oo qof, oo u badan Shiico Muslim ah, markii ay qabsadeen saldhig ay horay u lahaan jireen Maraykanka oo la yiraahdo xerada Speicher.

Ciidamada Ciraaq ayaa dib ugala wareegay xerada kooxda IS, iyadoo halkaasi laga helay xabaal wadareedyo.

Xarunta maxkamada dambiyada ee baqdad ayaa ku heshay afartankan qof in ay dambiga galeen oo ay ku lug lahaayeen xasuuqaasi.