Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxii Turkiga

Qarax weyn oo gilgilay caasimadda Turkiga ee Ankara ayaa waxa uu galaaftay ugu yaraan nolosha 28 qof 61 kalana waa ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen mas'uuliyiinta waddankaasi.

Saraakiisha ayaa sheegay in qaraxa oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu dhacay xilli basas ay leeyihiin milateriga ay ku istaageen samaafaraha ama nalka taraafikada meel u dhaw baarlamanka iyo xarunta dhexe ee milateriga dalkaasi.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo baajiyay safar uu ku tegi lahaa dibadda ayaa waxa uu wacad ku maray in uu sii wadi doono dagaalka ka dhanka ah waxa uu ugu yeeray fulayada qaada weerrarada noocan oo kale ah iyo cidda ka dambeysaba.

Haddaba goor dhaweyd ayaa waxaan khadka taleefanka ee Istanbuul kula xiriiray Bashiir Macalim Khaliif oo ah weriye madax bannaan oo degan waddankaasi, waxa uu u warramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.