Kizza Besigye oo la xiray

Hogaamiyaha mucaaradka ee ka mid ah mushirixiinta doorashada Uganda, ayaa xoriyadiisa dib u helay kadib markii ay booliiska muddo hayeen. Waxaa wararku sheegayaan in Booliisku ay gurigiisa dib ugu celiyeen.

Afhayeenka FDC Ssemujju Ibrahim Nganda ayaa cadeeyay in musharaxa mucaaradka Kizza Besigye lagu xiray Naguru.

Wuxuu sheegay in la xiray markii uu tagay guri ay mucaaradku sheegayaa in ay ka socotay cod xadid.

Xubnaha xisbiga ayaa sheegay in ay dalbadeen in guriga la baaro, balse loo diiday in ay galaan. Kadibna waxay sheegeen in Besigye la xiray oo booliisku ay goobta ka kaxeeyeen.