Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Austria oo xadideyso tirada magangelyo doonka

Dowladda Austria ayaa soo saartay sharci ay ku xadideyso tirada muhaajiriinta dalkeeda soo geli kara.

Dowladda ayaa sheegtay in ugu badnaan maalintii ay Austria dhanka koonfureed kasoo geli karaan 80 qof oo magangelyo doon ah.

Xukuumadda Vienna ayaa sheegaysa in qorshaha Midowga Yurub uu ku xakameynayo tirada muhaajiriinta kasoo gudbaya Turkiga aanu hadda shaqeyneynin.

Tallaabadan ayaa waxaa dhaleeceeyay madaxa Midowga Yurub u qaabilsan muhaajiriinta Dimitris Avramopoulos.

Soomaali badan ayaa Austria qaxooti ku ah qaarna wali sharci lama siin.

Cabdiraxmaan Bidhaan X. Daahir ayaa waraystay Liibaan Ibrahim Yare oo ka mid ah Soomalida dalkaasi ku nool.