Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dukaamo ay Soomaali leedahay oo lagu boobay Koonfur Afrika

Wararka inaga soo gaaraya gobolka Mpumalanga ee Koonfur Afrika ayaa sheegaya in halkaasi boob loogu gaystay qaar ka mid ah ganacsiyada ay Soomaalida halkaasi ku leedahay.

Wararku waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu boobay dhowr iyo sodon dukaan.

Arrintan ayaa la sheegayaa in ay ka dhalatay dadka deegaanka oo ka caraysan xubin deegaanka hoose ah oo loo soo magacaabay oo aanay raali ka aheyn.

Haddaba waxaan khadka taleefanka kula xiriirnay Maxamuud Siyaad Xasan xilli isaga iyo Soomaali kale ay ku mashquulsanaayeen rarida dukaan halkaa ku yaal, Cabdifitaax Ibraahim Cagayare oo la hadlay ayaa marka hore waydiiyay halka uu joogo iyo waxa ay qabanayaan?