Fiidiyowga Uganda oo laga saaray baraha BBC

Bogga internet-ka BBC Somali iyo Facebook, waxaanu ka saarnay muuqaal Fiidiyoow sharaxaad ah, maadaama ay noola muuqatay in qaar ka mid ah dhagaystayaashu xadgudub u arkeen fiidiyowgaas, waxaanu ka walwalnay ammaanka shaqaalaheena.

Fiidiyowga, waxaa ka muuqda gabar tabiye ah, oo madaxa uusan u daboolnayn.

Muhiimadeenna, ugu horaysa waa in aan xaqiijinno ammaanka shaqaalaheena. Sidaa darted, ayaanu baraheenna uga saarnay fiidiyowga.

Balse, arrintan waa mid muhiim ah, oo dhagaystayaasheennu aragtiyo kala duwan ay ka kala qabaan, taa darteed, waxaanu ka fiirsan doonnaa sida aan u wajahayno arrintan oo kale mustaqbalka.”