Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoyskii ku dhibaateysnaa Gaarisa oo loo gurmaday

Intiinii dhagaysatay idaacadaheenii baxay Jimcihii lasoo dhaafay, waxaan kusoo qaadanay warbixin ka hadlaysa qoys ka kooban 5 carruur ah oo qaba xannuunka dhimirka iyo hooyadood oo naafa ah, kuwaas oo ku nool magaalada Gaarisa.

Qaar ka mid ah dadka samafalayaasha ah ayaa markii ay maqleen xaaladda uu ku nool yahay qoyskaasi waxa ay u istaageen sidii ay u caawin lahaayeen.

Weriyaha BBC Bashkas Jugsoo dhacay ayaa mar labaad booqday qoyskaasi, warbixintan ayuuna Gaarisa inooga soo diyaariyay.