Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadooyinka Muqdisho oo la dhisayo

Magaalada Muqdisho waxa ka socda hawlo dib loogu dhisayo wadooyinkii ku burburay dagaaladii kala duwanaa ee waddanka ka dhacay mudadii dawlad la'aanta.

Dadaalada dib loogu dhisayo wadooyin muhima waxaa iska kaashanaya dawladda hoose iyo dadweynaha magaalada, waxana la dhagax dhigay dhawr wado oo muhim u ah iso socodka Muqdisho.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa weydiiyay afhayeenka dawladda hoose ee Muqdisho, Cabdulfataax Cumar Xalane, wadooyinka hadda dhismuhu ka bilowday iyo kharashka ku baxaya.