Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Biyo yari ka taagan xeryaha Dhadhaab

Waxaa caasimada Nairobi ka socda shir caalami ah oo looga hadlayo biyaha.

Khubarada ayaa ka doodaya sidii lagu heli lahaa biyo joogta ah oo ay isticmaalaan dadka ku nool Afrika.

Dhanka kale waxaa biyo yari ba’an laga soo sheegayaa qeybo ka mid ah xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.

Xuseen Yusuuf Faarax waxa uu kamid yahay hogaamiyayaasha qaxootiga ku nool Dhadhaab. Axmed Xaaji Xasan ayuu uga warramay biyo la'aanta.