Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirka Istanbul oo maanta soo xirmaya

Magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ayaa waxaa maalintii labaad ka socda shir loogu magac daray madasha 6aad ee heerka sare ee Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Shirkan ayaa waxaa looga arrinsanayaa mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya, iyo hurmarka laga gaaray heshiiskii cusbaa ee Soomaaliya iyo caqabadaha ka hor yimid.

Shirkan oo maanta soo gebagaboobi doona ayaa waxa uu daba socdaa shir dabayaaqada sannadkii la soo dhaafay lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana shirka wax ka gudoominaya madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddaba waxyaabaha maanta shirkan looga hadli doono iyo halka u marayo waxaa aan ka wareysanay afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya Daud Aweys, oo u warramay Faarax Lamaane