Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qeyb kaloo ka mid ah qaxootiga Dhadhaab oo la celinayo

Hay'ada qaxootiga ee UNHCR ayaa waxa ay bilowday weji cusub oo lagu celinayo koox qaxooti ah oo iskood u doonaya inay Soomaaliya ku noqdaan.

Waxaa sidoo kale la kordhiyay degmooyiinka dadka lagu celinaayo oo markii hore ahaa seddax, laakiin hadda 9 degmo ayaa laga dhigay.

Horey waxaa soomaaliya loogu celiyay qiyaastii 10 kun oo qof, laakiin marka waxaa la qorsheynayaa in 50 kun oo qof tirada la celinayo la gaarsiiyo, sida uu sheegay Adan Rashiid Cabdi oo ah madaxa qeybta dib u celinta qaxootiga.

Cisa Xaji Cabdulle ayuu u warramay