Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falaqeyn la xiriirta doorashada maanta ee FIFA

Loolanka loogu jiro qofkii noqon lahaa madaxweynaha xiga ee FIFA ayaa maanta oo Jimcaha lagu kala baxayaa, waxaana ku tartamaya shan musharrax oo midkood uu badali doono Sepp Blatter.

Sidoo kale maanta ayey noqoneysaa maalinta isbedelka muhiimka u ah FIFA uu ka dhacayo magaalada Zurich.

Maxamed Axmed Daysane oo ka faallooda ciyaaraha kubadda cagta ayaa Axmed Xaji uga warramay isbedelka ay keeni karto doorashadan.