Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Sida dadka UK u soo dhaweeyeen qaxootiga Suuriya

Dalka Britain waxaa ku nool kummanaan qof oo reer Suuriya ah oo ka sooc araray colaadda dalkaasi la degtay mudada shanta sano ah.

Dadkaasi qaxootiga ah ayaa waxa ay intooda badan la kulmayaan nolal aad uga duwan tii ay ku noolaayeen dalkooda xitaa ka hor inta uusan dagaalka qarxin.

Qaxootigaasi waxaa ka mid ah Axmed oo ah nin Suuriyaan ah oo magaalada Epsom ee Surry (saari) ee dalka Britain kula nool qoys caddaan ah oo soo dhaweeyay.

Weriyaha BBC-da Sima Kotecha ayaa Axmed ku booqatay guriga uu deggan yahay warbixintaan ayayna ka diyaarisay, waatan Suheyba Maxamed BADQAS oo soo jeedinaysa warbixintaasi.