Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

AMISOM maxay hadda oga hadashay xoojinta ciidanka Somaliya?

Kullankii ay yeesheen dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya waxyaabaha sida aadka ah looga hadlay waxaa ka mid ahaa, wada shaqeynta ciidamada AMISOM gudahooda, tan ay la leeyihiin ciidamada Soomaaliya iyo qeyb kamid ah dhaqaalaha oo laga goostay.

Madaxdii ka qeybgashay shirkaasi waxa ay tilmaameen in la taageero xoojinta ciidamada Somaliya iyo in si degdeg ah ay ku helaan diyaarado dagaal oo loo ballan qaaday.

Waxay ku hanjabeen in haddii diyaaradahaasi ay heliwaayaan ay AU ka doonayaan inay dib u eegto howlgalka.

Cabdirashiid Xaashi waa agaasimaha machadka Heritage, waxa ay dhowaantan Soo saareen warbixin la mid ahayd bayaanka ka soo baxay kullanka madaxda dalalka ciidamada geeyay Soomaaliya.

Axmed Xaji Xasan ayaa marka hore Cabdirashiid weydiiyay wada shaqeynta laga hadlay?