Tirada dhamishada weerarkii Baydhabo oo korortay

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Qaraxyada ayaa aad u xoogbadnaa taas oo keentay in dhimashada ay badato

Ku dhowaad 30 qof ayaa ku dhimatay, in kabadan 40 kalena way ku dhaawacmeen qaraxyo shalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qiyaastii 11 kamid ah dadka dhaawacmay ayaa ku jira xaalad halis ah waxaana maanta loo qaadayaa magaalada Muqdisho.

Goobaha la weeraray waxaa kamid ahayd maqaayad ay dhallinyaro ku daawanayeen ciyaar kubadda cagta ah.

Waxaa kamid ah dadka dhintay wasiir ku xigeenkii wasaaradda dhaqan celinta iyo hub ka dhigista ee maamulka Koofur Galbeed.

Sida uu ku warramayo weriyaha BBC-da ee Muqdisho, xaaladda waxa ay u muuqataa weli inay isbedbedeleyso, oo xilli kastaa ay suuragal tahay in tirade dhimashada ay kor u kacdo.

Madaxweynaha maamulkaasi, Shariif Xasan Sheekh Adan ayaa BBC-da u sheegay “inay aad u adagtahay iska ilaalinta qof kula luqad ah, isku jinsi aad tihiin oo is qarxinaya.”

AMISOM ayaa cambaareysay weerarkaasi Baydhabo ee dhimashada badan sababay.

Golaha wasiirada ee Somaliya ayaa yeeshay kulan degdeg ah oo ay uga hadleen weerada isasoo taraya ee kooxda Alshaab iyo sidii wax looga qaban lahaa.