Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ciidammada GalMudug oo Shabaab weeraray

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in inta u dhaxeysa tuulooyinka Camaara iyo Bacaadweyn oo ka tirsan degmada Xaradheere ee gobolkaasi, uu maanta ka dhacay dagaal xooggan.

Dagaalka oo saaka aroortii bilowday ayaa waxa uu u dhaxeeyaa ciidammada maamulka GalMudug iyo Al-Shabaab.

Dhanka kalana qarax ayaa waxaa lala eegtay gaawaari kolonyo ah oo ay leeyihiin milateriga Soomaaliya oo marayay meel u dhaw degmada Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqisho.

Ibraahim Maxamed Aadan ayaa warrarkaasi goor dhaweyd uga warramay Cabdifataax Cagayare, marka hore Ibrahim wuxuu ka waramay khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka GalMudug iyo Shabaab ku dhexmaray gobolka Mudug.