Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarun lagu wacya geliyo dadka guur doonka ah

Dalka Britain ayaa waxaa ku yaalla xarun lagu wacyigaliyo dadka guur doonka ah sidoo kalena lagu xaliyo khilaafaadka soo kala dhexgala qoysaska, taasi oo looga gol leeyahay ka hortaga burburka qoysaska Soomaalida oo la sheego in qurbaha uu ku badan yahay.

Xarunta Happy marriga academy oo ka dhisan Britain ayaa waxa ay bixisaa duruus ku saabsan guurka wanaagsan iyo sida lamaanaha is doonaya ay u xoojin lahaayeen gurigooda.

Haddaba, xaruntaan ayaa waxaa aasaasay qoys Soomaaliyeed Hibo Omar Gele iyo odaygeeda Ahmed Bilaal, Hibo ayaan wareystay ugu horeyna waxa aaan weydiiyay in ay inoo sharaxdo waxa ay qabtaan.