Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Haweenka iyo Siyaadda

Koox dumar ah oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka ayaa Muqdisho ka bilaabay ol'ole gabdhaha waxbartay looga qayb galinayo siyaadadda iyadoo xiligan ay Soomaaliya isu diyaarinayso doorashooyinka 2016ka.

Shirarkii sare ee madasha wadatashiga ayaa lagu go'aamiyay in qoondooyin gaara haweenka laga siiyo labada aqal baarlamaan ee lagu heshiiyay in la dhiso.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa waraystay Sahro Maxamad Axmad oo madax ka ah xarunta horumarinta haweenka ee SWDC, wuxuuna marka hore weydiiyay bal in ay sharaxdo ol'olahan gabdhaha waxbartay siyaasadda looga qayb galinayo