Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Daawo Boorre oo dambi lagu waayay

Maxkamad ku taal dalka Britain oo dhagaysanaysay dacwad u dhaxaysay dowladda Jabuuti iyo madaxii hore ee maamulka dakadaha iyo soonka xorta ah ee Djibouti, Cabdiraxmaan Boreh, ayaa ku dhawaaqday in dacwadaha ka dhanka ahaa ganacsadaha iyo shirkadihiisa ay guuldaraysteen.

Maxkamadda, ayaa sheegtay in wax dambi ah lagu waayay Boreh, eedo u badnaa musuqmaasuq iyo lunsi lacagihii qaranka si naftiisu ugu faa'iideeyo.

Guud ahaan qarashka ku baxay intii dacwaddan socotay waxaa lagu qiyaasay lacagta ku baxday ilaa 90 milan oo dollar..

War qoraal ah oo ay soo saartay dowladda Djibouti ayay ku sheegtay in ay si xoog leh uga xumaatay natiijada maxkamadda, aysanna raacsanayn natiijada ay maxkamaddu soo saartay. Jamhuuriyadda Djibouti ayaa warbixintu sheegtay in ay si deg deg ah uga fiirsanayso, iyadoo la tashanaysa qareenadeeda tallaabada ugu haboon ee ay qaadi karaan oo ay ku jirto suurtagalnimada in racfaan laga qaato go'aanka maxkamadda.

Hadaba, waxaa noo suurtagashay in aan waraysnno Cabdiraxmaan Boreh oo u warramay Cabdiraxmaan Koronto.

Wuxuu marka hore Boreh ka hadlayaa dareenka uu ka qabo go'aanka maxkamadda.