Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomali Minnesota ku baratay caafimaadka deg-dega

Xaflad loo qabtay Dhalinyaro soo baratay xirfadda caafimaadka deg-dega ah iyo wadida baabuurta caafimaadka ee embalaaska loo yaqaano, ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Soomaali ayaa kamid ahaa dadka xafladan loo qabtay.

Xafladda, ayaa waxaa ka qayb galay masuuliyiin ka socota gobolka Minnesota, qaar kamid ah shirkadaha caafimaadka ee gobolka iyo dadwayne Soomaaliyeed.

Xafladda kadib, ayaa wariyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen waxa uu la hadlay qaar kamid ah masuuliyiinta iyo dhalinyaradii xirfada soo baratay.

Waxaanu ku hormaray Cabdi Warsame oo ka tirsan Gollaha Deegaanka magaalada ee Minneapolis.