Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hoobiyayaashii xalay lagu garaacay Afgooye oo ay dad ku dhaawacmeen

Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah ayaa waxa ay wararku sheegayaan in ay ku dhaawacmeen hoobiyayaal xalay lagu garaacay magaalada Afgooye.

Hoobiyayaasha oo looga shakisan yahay in ay soo ganeen xubno ka tirsan xarakada Al-Shabaab ayaa waxa ay walaac ku abuureen dadka deegaanka.

Magaalada Afgooye oo 30 km u jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ka talisa dowladda Federaalka ee Soomaaliya, hasayeeshee Al-Shabaab ayaa saldhigyo ku leh tuulooyin aanan sidaa uga fogeyn magaalada.

Haddaba Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa waxa uu khadka taleefanka ee magaalada Afgooye kula hadlay mid ka mid dadka magaaladaasi oo uga warramay sida ay wax u dhaceen.