Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Baardheere oo ka hadlay qaraxyadii maanta

Sida uu sheegay taliyaha saldhiga booliska ee degmada Baardheere, illaa 12 miino ayaa saaka ku qaraxday magaalada bartameheeda.

Laba miino oo kalena waxaa soo saaray ciidamada AMISOM ee ka howlgala magaaladaasi. Sida la sheegayna hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, askeri ka tirsan ciidamada Itoobiyana wuu ku dhaawacmay qaraxyada.

Salaad Maxamud Xasan (Salaad Turuq) oo ah taliyaha booliska ee Baardheere waxa uu BBC-da u sheegay in weerarka lala eegtay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ku sugan halkaasi.

Axmed Xaji Xasan ayuu u warramay